Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay soo dhamaadeen isu gaynta tirinta codadkii dhamaan gobollada Somaliland.
Codadkii dadweynuhu ay ka dhiibteen doorashooyinkii isu sidkanaa ee madaxtooyada iyo ururada siyaasadda, ayaa hadda ka soo gudbay heer goobeed iyo heer degmo, iyadoo wixii hadda ka dambeeya loo gudbayo heer gobol iyo heer guud oo ah qaybihii ugu dambeyay .
Muuse xasan Yuusuf oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in qaybaha haray ee tirinta codadkii la dhiibtay aaney waqti badan qaadan doonin, isagoo intaa raaciyay in ay weli haystaan waqtigii sharcigu siinayay marka ay timaaddo ku dhawaaqista natiijooyinka doorashooyinkii dhacay 13-kii bishaan Nufeember.
Dadka ayuu ugu baaqay in ay ka war sugaan guddiga, wixii ka dambeeya aaska loo sameynayo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo la filayo in maanta uu ka dhaco Hargeysa.