Guddoomiyaha Cusub ee Garabka Dhallinyarada WADDANI ee Gobolka Maroodijeex

Hargeysa(Qaran news)-Munaasibadda Afur ah oo uu xilka kula wareegayay guddoomiyaha cusub ee Garabka dhallinyarada ee Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga WADDANI ayaa ka qabsoontay magaalada Hageisa.

Munaasibadda oo ay ka soo qaybgaleen Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Xoghaya Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Tiknoolajiyadda, xoghaye kuxigeenka ganacsiga, xoghaye kuxigeenka waxbarashada, xoghaye kuxigeenka gaadiidka, guddoomiyaha garabka haweenka, Agaasimaha guud ee Xarunta dhexe, Agaasime kuxigeenka xarunta dhexe,
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka, Xoghayaha Gobolka, garabyada haweenka iyo dhallinyarada ee heer qaran iyo heer gobol iyo martisharaf kale ayaa lagu ammaanay waxqabadka guddoomiyihii hore ee garabka dhallinyarada ee Gobolka Maroodi-jeex.

Masuuliyiintan ayaa guddoomiyihii hore uga mahadnaqay shaqo wanaagii uu muujiyey iyo dulqaadkiisii, iyagoo guddoomiyaja cusubna ugu duceeyey in xilkaas ilaahay ku asturo.

Sidoo kale guddoomiyihii hore ayaa loogu hambalyeey xilka cusub ee loo magacaabay oo ah hogaaanka Qorshaynta ee garabka dhallinyarada heer qaran.