Guddoomiyaha Guurtidda oo ka Hadlay Go’aanka Maxkamadda
Hargeysa(Qaran)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay waraaqdii komishanku maxkamadda sare u gudbiyeen, waxaanu sheegay in ay fasir weydiisteen, balse go’aan noo sheega aanay odhan.
Geesta kale waxa uu wuxuu u soo jeediyay in loo gurmado suuqa gubtay ee Jigjiga.
Sidoo kale waxa uu sheegay in wada hadal laga sugayo Garaadada gobolka Sool.
Dhanka kale guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in dalka lagu soo dulay, waxaanu bulshada iyo xukuumadda ka codsaday in la difaaco.
Gaba-gabadii waxa uu sheegay in wax khilaafa oo la sheega aanu dalka ka jirin.