Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo 40 xubnood Tababar u xidhay
Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Jaamacada Hargaysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa tabobar u soo xidhay 40 maamule oo ka tirsan maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee magaalada Hargaysa.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska iyo Jaamacada Hargeysa gaar ahaan Kulliyadda waxbarashada ayaa tababarkan oo muddo bil ah soo socday ayaa loo soo gaba-gabeeyay maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo sarre.
Hormood ku xigeenka Kulliyada waxbarashada Jaamacada Hargaysa Xamse Ibraahim Muxumed oo ka mid ahaa, macallimiintii tabobarkaa bixinaysay ayaa sheegay in ujeedada tabobarkani ku saabsanaa, sidii Jaamacada Hargaysa dib ugu celin lahayd, bulshada khibrada iyo aqoonta la xidhiidha adeeg bixinta waxbarashada.
Sidoo kale guddoomiye kuxigeenka waxbarashada gobolka Maroodijeex Saleebaan Siciid Saleebaan ayaa uga mahadnaqay Jaamacada Hargaysa tabobarkan ay siiyeen maamulayaasha dugsiyada magaalada Hargaysa si kor loogu qaado hab maamulka dugsiyada iyo nidaamka wax dhigista macallimiinta.
Guddoomiyaha Jaamada Hargaysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse oo munaasibadaa soo af-meeray ayaa sheegay, in aan tabobarkani aanu noqon doonin kii ugu danbeeyey ee ay siiyaan maamulayaasha dugsiyada laakiin ay soo wadaan barnaamijyo badan oo kor loogu qaadayo hannaanka waxbarashada dugsiyada dalka.
Gaba-gabadii waxa maamulayaashii tabobarkaa dhammaystay halkaa lagu guddoonsiiyey shahaadooyin u dhigma aqoontii ay soo qaateen.