Guddoomiyaha Wakiillada oo la Kulmay Wasiirka koowaad ee Wales

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL Mudane Prof Yaasiin Madamuud Xiir (Faratoon), ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka 1aad ee Wales Mr Vaughan Gething oo dhawaan loo doortay hogaaminta Wadankaasi oo katirsan dalweynaha Boqortooyada Uk .

Waxaanay Gudoomiyaha iyo hogaamiyaha Walles ka wada hadleen xidhiidhka Wales Uk iyo Jamhuuriyadda Somaliland Iyo meelaha la iska kaashan karo sidoo Kale wuxuu gudoomiyuhu ugu hanbalyeeyey Xilkaas dhawaan Loo doortay
kulanka waxaa kasoo shaqeeyey qabsoomidiisa Xildhiban Siciid Ibraahim Iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Wales Mr Siciid Ibraahim.