Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni oo dib loo doortay muddo shan sannadood ah.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu u rajeeyay in dib u doorashadiisa Siciid Cabdilaahi Deni ay uu uga faa’iidayso deris wanaag iyo nabadgelyo ay ku wada naalloodaan Jamhuuriyadda Somaliland.