Guddoomiye Xirsi oo soo Dhaweeyay Tartamada Ciyaaraha ee Cirro Cup

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo dhaweeyay tartannada ciyaaraha ee lagu qabtay Gobollada dalka ee uu maalgeliyay Murrashax Cirro.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

“Waxa aan bogaadinayaa tartanka murashaxa xisbiga WADDANI, Cirro Cup oo dhawaan ka furmay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxa kale oo aan hambalyaynayaa kooxda degmada QORILUGUD oo noqotay kooxdii u horraysay ee guud ahaan tartanka koob qaadday.

Xisbiga WADDANI waxa uu dedaal ugu jiraa helitaanka bulsho wadajirta oo isku duuban, isdhexgal leh oo dhallinyaradeedu ka bedqabto aafooyinka ay balwadda iyo qabyaaladdu ka midka yihiin.

Ugu dambayn, waxa bogaadin mudan madaxda iyo saraakiisha xibsiga ee wakhtiga iyo tacabka geliyay suurtagelinta shaqadan baaxadda leh!.”