Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray go’ankii ay dhawaan maxkamadda sare ku laashay doorashooyinkii Galmudug.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidatan:

“saga oo fulinaya awoodi hiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya Sharciga Doorashooyinka Qaranka, Sharciga Dhisidda Guddiga iyo Sharcigal Ururada iyo Xisbiyada, Habraacyada, Xeer-nidamiyeyaasha iyo tilmaamaha sharciga waxaa uu u taagan yahay mabaadi’da hirgelinta doorashooyin xor, xalaal ah, hufan oo ay muwaadiniinta si siman uga wada qeyb-galaan. Kadib marki uu helay GMDQS, nuqulka go’aanka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay SUM: MSF/DD/1/2026 iyo SUM: MSF/DD/BX/1/2026, kuna taariikhaysan 24 Agoosto 2026, ee ku saabsan natiijada doorashooyinkii isku- sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-Gobaleedka Galmudug ee qabsoomay 30 Luulyo 2026. Guddigu waxa uu soo saaray qodobadan hoos kuxusan:

– 1. Guddigu isaga oo tixgelinaya kaalinta dastuuriga ah ee Maxkamadda Sare, sarreynta sharciga iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xalliyo hannaan garsoor oo sharci ah si waafaqsan Qodobka 73aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka oo tilmaamaya Awoodda Maxkamadda Sare ee ka garnaqidda iyo go’aanka ka gaarista dacwadaha la xariira Doorashooyinka waxaa uu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ku saabsanaa doorashadii isku-sidkanayd ee ka dhacday Dowlad-Goboleedka Galmudug.

2. Ugu dambayn, Guddigu waxa uu soo muddeyn doonaa xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.