



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalalka Maraykanka iyo Czech oo booqasho sharafeed ugu yimid.
Weftigan ayaa u yimid Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga qayb galaan Bandhigga Caalamiga ah ee Buuggaagta Hargeysa (Hargeysa International Book Fair).
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa si diirran u soo dhaweeyey xubnaha weftiga, isaga oo warbixin guud ka siiyey taariikhda, geeddi-socodka dimuqraadiyadda, nabadda iyo horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu uga mahadceliyey weftiga deddaallada ay ugu jiraan gaadhsiinta qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland dalalkooda iyo bulshada ay ka soo jeedaan, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in saaxiibbada caalamku sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan qaddiyadda qaranimada Somaliland.
Dhankooda, xubnaha weftiga ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, soo dhoweyntii diirranayd ee uu ku qaabiley, waxa ayna sheegeen inay aad ula dhaceen nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, iyaga oo ku bogaadiyey shacabka iyo dawladda Somaliland deddaalka ay ugu jiraan qaran dhiskooda, waxa kale oo ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay hay’adaha dalalkooda iyo shacabkooda ay gaadhsiiyaan xaqiiqooyinka ku saabsan Jamhuuriyadda Somaliland.





