Gudoomiyaha xisbiga Waddani oo sheegay in Heshiiskii la Kala Saxeexday uu Bahdil ku ahaa Spmaliland
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in heshiiskii shalay ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Soomaaliya uu bahdil ku ahaa JSL.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo Qarannews soo turjuntay, wuxuuna u qornaa sidan:-
“Heshiiska maanta dhex maray Somaliland iyo Somaliya waxa loogu talo galay in Somaliland lagu bahdilo, wixii sir ah iyo xog kasta oo weftigu dalka dib ugu soo celinayaana waanu ka war sugaynaa.
Xisbiga WADDANI ma aqbalayo wax qarannimada Somaliland mugdi gelinaya ama wax u dhimaya horumarka Somaliland, cid matashana ma jirto.โ