Mudane Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waa halyey qaran(National hero).Q-2’aad

Si aad qaybtan 2aad fahankeedu kuugu fududaado waxaa fiican in aad isha soo mariso Q-1’AAD,ee maqaalkan.

Waxaa dhacday in xisbigii kulmiye siyaasiyiintoodii ay isfami waayeen kuna kala qaybsameen xagidii iyo istiraajiyadii siyaasadeed xisbiga ee waqtigaasi taagnayd waxba yaan ku sii dheeraan khilaafkaasi kulmiye waa wax ummada somaliland ka dheregsanayd oo ay la socdeen marba halka xaalku marayey.

Maxaa dhacay intaasi kadib:-

Mudane Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo dhawr iyo toban Siyaasi oo ahaa wasiiro,madax sare oo dawlada ah,iyo siyaasiyiin ayaa iska casilay golihii dawlada iyo dhamaan golihii dhexe iyo xubinimadii xisbiga kulmiye waxaanay mudo ahaayeen siyaasiyiin madaxbanaan.

Ku biiristii Xisbiga ugu balaadhan Jamhuuriyada Somaliland ee Wadani:-
Gudoomiye Xirsi iyo madaxdii iscasishey waxay mudo wadahadal kula jireen Xisbiga weyn ee Wadani kadibna way ku qanceen barnaamijka, istraatijiyadii,iyo mabaadiidii xisbiga wayna ku biireen,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Musharixii madaxweyne ahaana Gudoomiyihii Xisbiga Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro,Golihii fulinta,golihii dhexe iyo tageerayaasha xisbiga gudo iyo debedba.

Mudane Xirsi Cali X Xasan waa gudoomiyaha Xisbiga ee wadani wuxuuna u tafaxaydan yahay sidii xisbigu jagada Madaxweynaha ugu guuleysan lahaa doorashada madaxtooyada ee 13ka Nov 2024,insha allah.

Mudadii uu Xirsi Joogay xisbiga wuxuu geliyey tacab badan wuxuuna tageerayaasha ku dhiiri geliyey sidii xibigu u guuleysan lahaa waana kaa maanta xisbigu cagta saaray dhabihii guusha uu madaxtooyada ku qaadhi lahaa.

Waxaan salaan iyo tageero hawada u marinayaa Masharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mudane Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro,Mudane Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan,Golaha fulinta,Golaha Dhexe iyo dhamaan taageerayaasha Xisbiga Wadani iyo dhamaan shacabka JSL.

Mudane Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waa halyey qaran(National hero).

Guul Somaliland,Guul Xisbiga Wadani.

Dhamaad.

Yusuf-Janale
Oslo Norway
Contact.somalilandcitizen@gmail.com