Guri Daar ah oo dab Qabsaday magaalada Burco.
Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaala degmada Sheekh Bashiir.
Ciidamada ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku socota baadhis.
Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaa mar kastaba Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan ee gobolada iyo degmooyinka dalka.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan halista dabka ama wax kasta oo keeni ama sababi kara dab, sidoo kalena ka fogaadaan goobaha dabku ka kaco.