Guurtida oo Warbixin ka Dhegaystay Guddida Xuquuqul Insaanka
Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida JSL, ayaa warbixino ka dhageystay guddida shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka iyo guddida arrimaha Gudaha nabadgalyada iyo difaaca golahaasi.
Guddida guddi hoosaadka shuruucda xuquuqal iinsaanka iyo arrimaha garsoorka Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo mudanayaasha golahaasi warbixin ka siiyey howlaha kala duwan garsoorka Dalka, ayaa warbixintiisa kaga waramay sidii garsoorka waddanka kor u qaadis loogu sameyn lahaa, aqoonta garsoorayaasha loo dhisilahaa, loona ilaalinlahaa xuquuqda garsoorayaasha, isla markaasna wixii kiisas ah maxkamadda dalka horyaala loo fulin lahaa.
Sidoo kale Xildhibaan Xareed waxa uu sheegay in waaxda garsoorku gaadhay horumar la taabankaro, waxaanu intaas raaciyay in maxkamadaha guur guura loo kala diro gobollada dalka, kuwaas oo uu xusay inay fududeeyeen adeeggi waaxda garsoorka ee bulshaddu u baahneyd.
Dhinaca kalena Xildhibaan Cabdixakiim Cumar Farax Buddeeye, kana tirsan Guddidada arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca Golaha Guurtida, ayaa warbixintiisa ku sheegay in shilalka gaadiidku yihiin kuwa badan wakhtigan, waxaanu xusay in loo baahan yahay sidii bulshada looga badbaadin lahaa, sidoo kale waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in khilaafaadka beelaha u dhaxeeya lagu dhammeeyo wado hadal.