Haamaha kaydka Shidaalka Berbera ayaa Muddo 30 Sano Iyo dheeraad ah Oo Somaliland Jirtay Xaalad Aanay Soo Marin Hadda Galay.
Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera Oo Xaalada Muddo 30sano ah Aanay Gelin Waayadii Udanbeeyay Kusugnaa Taasi Oo ay keentay In gebi ahaanba Laga Wareego Haamahii Kaydka Shidaalka Ee Berbera Ee Dawladu Lahayd Islamarkaasina ay Ganacsatadii Shidaalka Keenijiray ay Uwareegaan Haamaha Cusub Ee Dahabshiil Group.
Wararka Ka Imanaya Magaalada Berbera ayaa Tibaaxay In Haamahii Shidaalka Ee Dawladu Lahayd Laga Wareego Oo Ganacsatadii Uwareegtay Haamaha Shidaalka Berbera Kaasi Oo Maalamaha Qaar Haamaha Dawlada Laga Dhaamiyo ilaa 3booyad Halka Maalmaha qaarna Aanay Waxba Laga dhaamin.
Haamaha Shidaalka Berbera ayaa wararku Intaasi Kudareen In Loo Xidhay Shirkada ay Dawladu Masuul Katahay Oo Magaceedu Yahay Trafakuura.
Xaaladan Soo Foodsaartay Haamaha Shidaalka Berbera ayaa Hoos Udhac dhaqaale Ku Keentay Dakhligii Ay Dawlada Ka Helijirtay Haamaha Waxa Kale Oo Wararku Tibaaxeen In Shaqaalaha haamaha Shidaalka Berbera Bilahii Ina Soo dhaafay Loo Amaahday Musharkii ay Ku Shaqaynayeen Taasi Oo Wararku Intaasi Kudareen In Shaqaale Dhimis Lasamaynayo dhanaca haamaha ah.