Mudo dheer ayay shacabka Somaliland dhawrayeen sharafta iyo karaamada dadka Somaliyeed iyaka oo mar walba si dadnimo ku jirto oo dhaqan wanaagsan oo cadaawada ka fog damacsanaa inay Somalia iyo Somaliland ku kala baxaan noqdaan laba dal oo somaliyeed oo is barbar yaal waxna is Tara.

Wanaagsan iyo walaalnimadaas waxa ay u qaateen siyaasiyiinta Somalia jileec iyo nuglaan ay qabaan siyaasiyiinta somaliland sida uu sheegay Fiqi Xuubcaaro, waxa se ay is ilawsiinayaan in shacabka Somaliland dulqaad iyo tamarba u leeyahay goobaha nafwaaga iyo maalinta ay joogto yaa maali jiray

(Marka daawada la tago nin didsani iskaga hadho anagaa ku dirirnoo halka daran ku shiva) Hadrawi ilaahay ha naxariisto e.

Dagaalkii hawada iyo E-Visaha ee is barkanaa si fiican oo qurxoon ayay oga wada hawl galeen xakuumada somaliland iyo shacabka Somaliland qurbajoog iyo qolqol Noora, dagaalkaas iyo guusha somaliland waxay ka marag kacaysaa in dagaalka midnimo lagu galaa guushiisa dhakhso loo gaadho.

Hadaba xakuumada Somaliland waxa aan leeyahay dagaalkani waa bilawgii dagaalka aan ku kala baxayno Somalia waana in Somaliland qaadaa siyaasad Arrimaha Debedda oo xag jir ah (aggressive foreign policy) Arrimaha Gudaha iyo sirdoonkana la Laban laabaa si cadawga Somaliland dhabarka looga jebiyo.

Mar kale waxaan Hambalyo u dirayaa xakuumada Somaliland Waxaan kale oo si gaar ah u hambalyaynayaa qurba joogta Somaliland oo ka soo baxday kaalintoodii hasa yeeshay hada uun baa dagaal now inoo yahay waa in qurba joogta somaliland abuuraan ururo iyo kooxo wadan kasta ka hawl gala si aan nasasho lahayn

Guul somaliland
Ibrahim Duale Sulaiman
Tallaabo

i64509427@gmail.com