Hambalyo 28-guurada Aasaaska Puntland

Anigoo ka mid ah waayeelka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan hambalyo iyo salaan sharaf u dirayaa Dowladda iyo shacabka Puntland munaasabadda 28-guurada aasaaska Puntland.

Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu Puntland ku gallado nabad waarta, amni sugan, xasillooni, horumar joogto ah iyo barwaaqo.

Waxaan rajaynayaa in xidhiidhka derisnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Puntland uu sii xoojisto is-ixtiraamka, deris-wanaagga, wada noolaanshaha nabadda ku dhisan iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee dan u ah labada dhinac iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Munaasabaddan awgeed, waxaan mar kale Dowladda iyo shacabka Puntland u dirayaa hambalyo iyo duco wanaagsan.

Sultan Abdikariim Dagaal.
Carrada Ilaahay Nabad Weeye.