
Waxa aan aad ula socday una danaynayay socdaalkii madaxweynaha somaliland ku tegay dalka Ethiopia
Aniga oo hore wax uga qoray Raiisalwasaaraha Ethiopia markii uu talada dallkiisa uu yimi kaas oo aan ku tilmaamay siyaasi layli ah aad moodona inaanu khibrad weyn u lahay Arrimaha Geeska Africa guud ahaan iyo xidhiidhka dadka somalida ah iyo Ethiopia gaar ahaan
Abi Axmed meelaha siyaasadiisa somalidu ka murkacatay waxay siyaasadii uu ula is dhex halka dadayawga Geeska Africa taas oo runtii aan suura gal ka noqonayn marka somaliland indhaha uu ka lalinayo
Aan u dego dulucda warkayga markaan is barbardhigo damaca Ethiopia iyo rabitaanka Somaliland waa laba arrimood oo aan sinaba isu qaadan karin
Ethiopia waxay damac ka hayaa inay gaadho bada cad kana hesho somaliland saldhig ciidan oo danaheeda ku ilaashato lkn aan somaliland wax dani ihi ugu jirin iyada oo la og yahay in dhulkii Hawd iyo Reserve area si sharci daro ah ingriiska iyo Ethiopia isugu wareejiyeen Una sii dheertahay inay Ethiopia burisay waxii ku qoraa Angalo-Ethiopian Treaty ee sugayay bedqabka dadka Reer guuraaga ah ee Reer Somaliland naf iyo maalba oo aan ognahay in xadgudubyo badani ka shaven Lagos-Ciise, Dacawalay, Jaamac Dubai iyo meelo kale oo badan.
Madaxweyne Ciro waxa uu muujiyay bisayl iyo adayg siyaasadeed iyo weliba xag jirnimadiisa jiritaanka qaranka somaliland iyo weliba bed qabka dhuleed ee jamhuuriyada somaliland.
Madaxweyne kibirka iyo isla weynida hogaanka layliga ah ee Ethiopia wax waliba way ka suura galaan
Hore waxa loo yidhi ama buur ahaw ama buur ku tiirsanow.
Madaxweyne waxaan ku talinayaa inaan si xoog ah ugu diyaar garowdu wax kasta oo is bedel ah oo Geeska Africa ka soo cusboonaada aniga oo aaminsan inaad u dhug leedahay ku talo galkaaguna uu kuu qorshaysan yahay
Waan kugu hambalyaynayaa qaab hogaamineedkan wanaagsan waxaanaan ku rajaynayaa inaad isku gufayso meel kasta oo aragto inay tahay gol jilicda xukuumadaada.
Ilaahay ha kula garab galo hawshan culus hadana adag ee qaranka u hayso
Ibrahim Duale Sulaiman
Tallaabo






