
Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xabsi dhexe ee Burco u taxaabay masuuliyiinta hoos ku xusan:
1. Amiin C.laahi Yaasiin (Xoghayha Fulinta Dawlada Hoose Degmada Burco)
2. Diiriye Sugaal Rooble (Madaxdii Jaangoynta Dhulka)
3. C.laahi Muuse Maxamed (Xisaabiyihii Dawlada Hoose Burco)
4. Maxamed Xaaji Muuse Shire (Joomitir)
5. Faarax Muuse Siciid (Joomitir)
6. C.casiis Jaamac Ismaciil (Madaxa Iibka Dawlada Hoose Burco)
7. Maxamed Cali Xirsi (Joomitir)
Dhammaan Masuuliyiintan aynu kor ku sheegnay Waxaa xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland uu ku eedeeyey lunsi hanti qaran.





