Hantidhawraha Guud oo Warbixin ka Jeediyay Golaha Wakiillada
Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha golaha wakiilladda ayaa maanta loo qaybiyay warbixinta xisaab xidh sanadeedka 2022 kaas oo uu soo diyaariyay xafiiska hanti dhawaraha guud ee qaranka.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka JSL Mudane Axmed Yuusuf Dirir, ayaa warbixin ka siiyay mudanayaasha xisaab xidh sannadeedka2022-ka, waxaanu tilmaamay meelihii uu dakhligu kasoo xerooday iyo meelihii uu kharashku baxay kuwaas oo isagu jira dakhliga dawlada dhexe iyo dawladaha hoose iyo sidoo kale hay’addaha madaxa banaan.