“Hawada waxa lagala Wareegay Maareeye Rodol oo haystay Hay’adda Duulista ee Xukuumadda Muuse Biixi” Farxaan Aadan Haybe
Hargeysa(Qaran news)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa sheegay in maamulka hawada laga wareegay dawladda Madaxweyne Muuse Biixi xilligii uu maareeyaha Duulista u ahaa Duuliye sare Rodol.
Farxaan Aadan Haybe wuxuu sheegay intii uu xilka hayey in aanu marnaba saxeexin wax la xidhiidha maamulka Hawada oo ay ka horeeyeen isaga heshiisyadii la gaadhay ee u dhexeeyay Sòmaliland iyo Soomaaliyaba.
“Waxaan arkayey saaxiibkay Maxamuud Xaashi oo leh Farxaan wax buu saxeexay. Markaa anigu waa beentii odhan maayo ee waan u saxayaa ee ma jiro wax heshiis ah oo aan anigu saxeexay waxana aanu ka wada tirsanayn xukuumad siyaasad leh isna wuxuu ahaa dadkii mindida daabkeeda hayey.”