Haweenay Ingiriisa oo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Somalia & Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM)

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay Britain loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM), waxayna xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka.
Bayaan kasoo baxay xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing kusoo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto inay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah.
Catriona Laing, ayaa hore u soo noqoday madaxa xafiiska horumarinta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhexeysay 1993 ilaa 1994.
Magacaabisteeda kor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay Noofambar 2018 ilaa Abriil 2023.
May be an image of 1 person and text