Hay’adda Dhawrista Tayada oo Wareegto ka soo Saartay Shirkada MH PHARMA UK.

Hargeysa(Qaran news)-Wareegto ka soo Baxday Xafiiska Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL,Summadeeduna Tahay Tix:HDHT/XG/01/2855/2024 kuna Taarikhaysan 28-03-2024وTaaso u dhigan Sidan;

Ku: Dhamaan Shirkadaha Daawada soo Dajiya =Xarumahooda =
Ku: Ururka DIWO =Hargeysa=
Og: Isuduwayaasha Gobolada ee HDHT = Xarumahooda=
Og: Agaasimaha Waaxda Hubinta Tayada = Hargeysa=
Og: maayiradda Dawladaha Hoose JSL =Xarumahooda =
Og: Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Dhawrista Tayada = Hargeysa=
Og: Wasiirka Wasaarada H.caafimaadka JSL =Hargeysa=
Og: Wasiirka Wasaarada H.Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL =Hargeysa=

Ujeedo: Joojin iyo Dib u Soo Ururin Dawo

Guddida Hay’adda Dhawrista Tayadda Qaranku iyadoo Tixraacaysa Xeer Lr:68/214 qodobkisa 7aad faqradiisa 9aad 11aad.
Marka ay tixgalisay qodobka 38aad faqradiisa 1,2,3 ee Xeer Lr:68/2014 xeerka Hay’adda Dhawrista tayadda ee la xidhiidha ka ganacsiga badeecadaha been abuurka ah iyo asalnimadooda,
Marka ay daristay heer-tayeedka qaranka ee la xidhiidha weelka iyo qafaska ay badeecadu ku jirto,
Marka ay baadhis (Visual Inspection) iyo dabogal ku samaysay nooca dawooyinka ay soo saarto shirkada MH PHARMA UK L.t.d, isla markaana ay shaybaadhis (lab Testing) ku samaynay daawada ay soo saarto shirkada MH PHARMA UK.
Markaanu baadhis iyo daba-gal ku samaynay Shirkada MH PHARMA UK, waxaanu ogaanay in shirkada MH PHARMA UK, in aanay ku jirin liiska Warshadaha soo saara daawooyinka dalka UK gudihiisa, sido kalana aan lagu dhex iibin dawooyinka shirkadan MH PHARMA Dalka UK.
Haddaba, waxaa noo cadaatay in ay shirkada MH PHARMA UK ay tahay shirkad ka been sheegaysa Dalka UK.
Hadaba Waxa ay Guddida Hay’adda Dhawrista Tayaddu Go’aamisay
1. In daawo kasta oo ay ku qoran tahay ama ay soo saartay shirkada MH Pharma UK L.t,d. been abuur tahay.
2. In daawooyinka ay ku qoran tahay MH PHARMA UK aan la iibin Karin,la qaybin Karin lana isticmaali Karin.
3. In daawo kasta oo ay ku qoran tahay in ay soo saartay MH PHARMA UK aan dalka dib loo keeni Karin la soo dajin Karin.
4. In daawo kasta oo ay ku qoran tahay MH PHARMA UK suuqyada Somaliland laga soo ururin doono laga bilaabo 1/04/2024 laguna ururin doono muddo 30 cisho gudahood ah, isla markaana la gubi doono.

Sidaa daaradeed waxa la farayaa ganacsatada daawada soo dajisa in amarka sidiisa u dhaqan galiso masuuliyiinta ay khusayso wareegtadina ay waajibkooda ka gutaan.

Allah Mahad Leh.

Mukhtar Maxamed Cali
Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.