Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo Baaq Culus u Jeedisay Muwaadiniinta
Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda sirdoonka Qaranka Somaliland ee NIA, ayaa soo saartay wargelin ay bulshada kaga codsatay in dadka colaad hurinta wada iyo falalka kale ee ka dhanka ah Somaliland ay u gudbiyaan dalalka ay ku nool yihiin iyo Hay’adda sirdoonka Somaliland.
Hay’adda sirdoonku waxay sidaas ku sheegtay qoraal ay ku baahisay X (Twitterka). Taasi oo u qornayd sidan:-
“Waxaannu u soo jeedinaynaa dadka reer Somaliland ee ku nool qurbaha iyo gudaha dalka inay soo sheegaan xaaladaha colaadeed, nacayb iyo hurin nabadgelyo-darro ee ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland ama beesha caalamka, isla markaana la socodsiiyaan hayโadaha ay khusayso ee dal kasta iyo sidoo kale Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland ee NIA.”