Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo Qabatay 7 Qof oo Argagixiso ah
Hargeysa(Qaran news)-Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay 7 ruux oo ka tirsan Alshabaab.
Sidaasna waxay ku sheegtay qoraal ay baahisay oo u dhignaa sidan:
“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab
Kooxdan ayaa ka soo safray degaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah.
Shabakadan ayaa ka kooban 27 qof, waxana lagu raad joogaa 20 kii kale.”