Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo Qabatay Saanad loo Waday Laascaanood
Hargeysa(Qaran)-Hay’adda ugu saraysa amniga Somaliland NIA oo ku daba jirta saanaddo dagaal oo ku wajahan kooxaha ka dagaalanta Laascaanood, ayaa gacanta ku dhigtey 200 oo taayir, oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka loogu talagalay.
Sidaasna waxay ku sheegtay Hay’adda sirdoonku qoraal ay soo saartay, waxa lagu caddeeyay Hay’adda NIA oo garabsanaysa laamaha nabadgelyada ayaa burburisay shabakado adeegyo caafimaad gaadhsiiya kooxaha Laascaanood, waxaana lagu soo qabtey qalab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo agabka gargaarka degdegga ah