Hogaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa galabta Magaalada Hargaysa, kulan kula qaatay Safiirka Denmark ee Somalia Steen Sonne Anderson oo ay weheliyaan Ku xigeenkiisa Gertrud Norbjerg Birk iyo Madaxa Xafiiska Hargaysa, Mathias Daniel Hassing Kjaer.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka.
Masuuliyiinta Mucaaradka ayaa u cadeeyay saraakiishii ka socday Safaaradda Denmarka, mawqifkooda ku aaddan Doorashooyinka, waxaanay u sheegeen in ay kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddan talada haysa, maadaama muddo xileedkeedii sharciga ahaa dhamaaday, isla markaana kororsatay muddo labo sanno ah oon loo marin dariiq sharci ah.
Waxaanay masuuliyiintu Mucaaradku intaas ku dareen, in ay ayyidsan-yihiin go’aankii Komishanka ee ahaa in ay muddo 9-bilood ah ku qabtaan Doorashada Madaxtooyada.