Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdimaalik Xuuti ayaa sheegey in dowladda Imaaraadka Carabtu ka dalbatay in ay weeraraan Sucuudi Careebiya, si ay uga baxaan Yemen.
Sida uu tilmaamay Cabdimalik, UAE waxa ay ka codsatay in Xuutiyiintu beegsato mashruuca Sucuudiga ee Neom ee magaalada casriga uu ku dhisanayo.
Hoggaamiyaha Xuutiyiintu waxa uu sheegey in uu weerarayo Imaaraadka iyo Sucuudigaba; haddii ay joojin waayaan gardarrada ka dhan ah Yemen, ayuu yidhi.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen ayaa shaaciyey in Dawladda Imaaraadka Carabtu ka dalbatay inay weeraraan Sucuudi Careebiya.