Warar lagu kalsoonyahay oo aanu helayno ayaa sheegaaya in hay’ada u qaabilsan qaramada midoobay ee ICAO- ay maamulista hawda ee Somaliland iyo Somaliyaba ay ku celinayso magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kiiniya.
ICAO’- ayaa waday ayaamahii la soo dhaafayba baadhitaano la xidhiidha khalkhalka ay gashay hawda sare ee dhulkiinla isku odhan jiray Somalia.
Khal khalkani ku yimid hagista hawada Somalia iyo Somaliland waxa markii hore bilaabay dawlada Muqdisho iyada diyaardo rayid ah iyo kuwo gurmad caafimaad hawada Somalia ka celiyay, arinkaasi oo ka cadhaysiiyay shicibka iyo xukuumadda Somaliland.
Arintani oo soo gaadhay xataa shaqaalahii ka shaqaynaayay maamuliwta hawda ee Somaliland ka soo jeeday kana hawl galaayay magaalda Muqdisho oo mid ka mid ah lagu gawracay magaalada Muqdisho arin la xodhiidha muranka hawda awgeed.
Waxa haboon in labada dhinac ee hawda isku haya in mid walba loo madax baneeyo maamulista hawadiisa, hadii ayna taasi suurto gal ahayn xiligani in maamulista hawda dib loogu celiyo hayadii markii horeba maamulaysay ee ICAO.