Iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada.

Mar haddi sii toos ah la ino hoos geeyey
Mamulka Fashilmay Ee Wardhiiglay Xamar.

Halka ay iska taageen shirkadaha diyaadaha Ethiopian Airline iyo FlyDubai qorshaha E-Visa Soomaaliya ee lagu soo rogay shacbiga JSL, waxa aynu si cad uga fahmi karnaa halka uu marayo xidhiidhkii SL iyo labadii dal ee adduunka innoogu dhowaa.
Dhinaca kale, marka horeba ma ay habboonayn in Somaliland loo sameeyo Wasaaradda Duulista Hawada, waayo dawladaha caalamka oo dhan waxay leeyihiin Hay’adda Duulista Rayidka (Civil Aviation Authority).
Xilligii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo HUN, waxay dawladda Ingiriisku innagu caawisay khabiir caalami ah oo JSL ka taageera sharciga Duulista Rayidka (Civil Aviation). Laakiin nasiib-darro markii muddo hal sanno ah xukuumaddu sharciga horgeyn wayday Golaha Wakiillada ayey dawladda UK dib uga noqotay qorshihii khabiirka.
Sidaa darteed, mar haddii dhammaan hawada JSL ay si buuxda ula wareegtay Soomaaliya waqtigii Maxamuud Xaashi Wasiirka Duulista ahaa, haatanna maamulka Muqdisho innagu soo rogtay E-Visa, oo Madaxweyne Cirro iyo Wasiir Fu’aad ay intii ay joogeen Imaaraadka joojin kari waayeen xadgudubka fiisaha Soomaaliya ee aan ina qaban iima muuqato sabab Somaliland u sii lahaato Wasaaradda Duulista Hawada.
Ilaahay ha badbaadiyo JSL.

Siyaasi Faysal Cali Waraabe