Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa sheegay inay weerareen qaar ka mid ah xarumaha dayactirka ee Ciidanka Cirka Mareykanka ee ku yaalla Baxrayn.

War-saxaafadeedkiisa, IRGC wuxuu ku sheegay in wajigii labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Mareykanka, ay subaxnimadii maanta bartilmaameedsadeen “xarumaha dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangarka diyaaradda dagaalka elektaroonigga ah ee P-8, iyo xarunta taliska iyo maamulka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

War kale oo dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lagu qaaday haamaha shidaalka ee saldhigga cirka ee Amiir Xasan ee Urdun, IRGC waxay sheegtay inay sidoo kale bartilmaameedsadeen “haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot” ee saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuweyt, iyo sidoo kale “nidaamka raadaarka istaraatiijiga ah ee FPS” ee saldhigga Axmed Al-Jaabir .

Maalmihii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriirta gacan ku haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa sii kordhaysay.