ILAAHAY AGTIISA ABTIRSIIMO MA TAALLO CAMALKAAGII AYAA YAALLA MASUUL.

 

Waxaynu nahay dad muslim ah oo ku soo badbaadayay waqti dheer dhaqankooda iyo diintooda, waxaan u soo joogay oo dhaweyd qofka dawladda u shaqeeya oo aan qaadhaanka laga qaadin Waayo mabuu helayn.

Waalla yasi jiray qofka dawladda u shaqeeya, nin tuug ah mooyee nin kale guri iyo gaadhi kamuu iibsan jirin waana la xidhi jiray aakhirka.

Maanta wixii laga xishoon jiray ayaa la xalaalaystay waxa orod iyo guclo loogu jiraa maskabyo ummadda ka dhexeeya oo mid walbba qabiil calaamadsaday ambtirsiimo if iyo aakhiroba lagu sheegayo oo inna haleeshay subxaanallaah.

Haddaba ilaahay agtiisa ambtirsiimo ma taallo, waxa yaalla camalkaagii oo ah xilkan aad u waalatay xisaabtiisa oo looxal maxfuudka ku qoran shar iyo khayr wixii aad geysatay xisaabtoodii.

Masuuliyadda oo hantida umadda lagu lunsado lagu takrifalo abtirsiintii iyo xilkii aad ku boobtay qiyaamaha kaa saarimaayaan ee intaad dhawday is daba qabo.

Boobkan la xalaashaday ee sanawaadka soconayay waxay keenayaan cawaaqib xun haddaan hor ilaahay lagaga joogsan.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.