ILBAXNIMADII AY HORMOODKA KA AHAAYEEN MUUSE CARRE EE GEESKA AFRIKA WAA TAARIIKH LOO OGYAHAY SOMALILAND.

Dadka soomaalidu waxay ahaayeen dad reer guuraa ah oo xeebaha badda ku dhow iyagoo qabaa’il u kala deggan.

Qormadan iyadoo kooban waxaan ku soo qaadanayaa MUUSE CARRE oo ka soo jeeda ISAAQ gaar ahaan garxajis Habaryoonis kaalintii ay ku lahaayeen xaddaaraddii iyo ILBAXNIMADII ka taabbo qaaday carriga soomaalida ee ku baahday geeska afrika

Qarnigii 18aad bilawgiisii sidaan filayo waxa xukumi jiray magaalada seylac oo ahayd caasimad ganacsi taloyaqaan ganacsade ahaa oo la odhan jiray xaaji maxamuud sharmaarke waa ninka ku qoran buugga uu qoray richard bertton kaas oo uu ganacsigiisu saamayn weyn uu ku yeeshay geeska afrika.

Waqtigii uu ingiriisku yimid waxa qayb weyn talada dalka ka ahaa XAAJI MUUSE IGARRE oo ahaa qof madaw oo darajo ciidan qaata kii ugu horreeyay ugu sarreeyay isagoo ka gaadhay KORNAYL ciidanka ingiriiska.

Qarnigii 19aad waxa halgan aqoonta ah tacliinta ka galay waddanka MAXAMUUD AXMAD CALI rag uu hor kacayay oo uu kacaankii siyaad barre xitaa magaciisa sare u qaaday iyadoo loogu magacdaray dugsiyo badan oo soomaaliya ku yaalla ilaa maanta.

Waxa dhinacsocday c/laahi qarshi oo ahaa gobonimo doon ku fekeray inuu dadka ku kiciyo fanka iyo suugaanta si ay uga xoroobaan ingiriiska.

Waa sababta uu siyaad barre kacaankiisii ugu aqoonsaday aabbihii fanka iyo suugaanta soomaalida ilaa maanta, CABDILLAAHI markii uu ku geeriyooday dalka ingiriiska MAXAMAD IBRAAHIM CIGAAL wuxuu yidhi haygaga aasina UK isagoo u kireeyay diyaarad khaasa oo geysay hargaysa, aaskiisii waxa hor lugaynayay ilaa xabaasha madaxweyne cigaal oo la murugaysan qiimaha uu lahaa Cabdillaahi qarshi.

Waxa ka dhashay Cabdiraxmaan tuur oo ahaa diblomaasigii xoraynta somaliland ku guulaysatay 1991kii isagoo madaxweynihii koowaad ka noqday dalka, waxa ka soo jeeday xasan kayd oo inqilaabkii 1961 kii hogaaminayay.

Waxa ka dhashay hooyadii jacaylka hodan cabdille walanwal oo uu jacaylkeedii mahadho ku reebay meelkastooy soomaalidu joogto jacaylkii uu jeclaaday cilmi boodhari IHN.

Waxaan qormo danbe ka qoridoonaa ganacsato iyo aqoonyahan geeska afrika saamayn ku yeeshay oo ka soo jeeday, jifadan waxa ka dhasha dad haldoor ah oo aqoontooda rabbi laga faa’iideyso.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.