Imisa waddan ayaa baasaboor-Soomaaliga lagu tegi karaa Fiisa la’aan?

Waddamada adduunka ayaa isugu faana awoodda baasaboorrada oo ah inta dal ee qofka wata uu ku tegi karo si sahlan.

Japan iyo Singapore ayaa sanadkan isku heysta kaalinta koowaad, marka la eego qiimaha baasaboorkooda.

Baasaboorka Soomaaliya ayaa sanadkan kaalinta 106-aad kasoo galay liiska caalamka. Haddaba waa kuwee dalalka uu qofka Soomaaliga ah gali karo isagoo aan u baahneyn Visa lasii qaato?

Guud ahaan 33 waddan ayaa lagu gali karaa baasaboor Soomaaliga, oo ka horreeya baasaboorrada Yemen, Pakistan, Suuriya Ciraaq iyo Afghanistan.

Hase ahaatee dalalkaas dhammaantood ma wada aha kuwo uu qofka Soomaaliga ah ee baasaboorka Soomaaliga ah wata ku geli kato Visa la’aan.

Sida aan kasoo xigannay bogagga wax ka qora arrimaha socdaalka iyo dal ku galka ee VisaIndex iyo PassportIndex, 9 waddan ayaa baasaboor Soomaali lagu tagi karaa iyadoo aan wax Visa ah la dalbanin.+

Halkan ka akhriso warbixintan oo dhamaystiran.

Baasaboor Soomaaliga oo mar kale isbeddel ka sameeyay liiska baasaboorrada caalamka