In ka badan 60 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Uganda

Lixdan iyo saddex qof ayaa dhintay ka dib markii dhowr baabuur ay shil ku galeen waddo weyn oo ku taal Uganda, sida ay booliisku sheegeen saakay.

Labo bas oo ku safrayay jihooyin iska soo horjeeda ayaa “isku dhacay” iyaga oo isku dayaya in ay dhaafaan labo baabuur oo kale oo marayey Waddada Kampala-Gulu 00:15 wakhtiga maxaliga ah (21:15 GMT), sida ay sheegeen Ciidanka Booliiska Uganda.

Mid ka mid ah baska ayaa leexday isagoo isku dayaya inuusan shil gelin, balse markii ay arrintu socotay waxa uu sababay “isku dhac madaxa iyo dhinaca ah” kaas oo sababay dhowr shil, oo gawaadhida kale ay is xakameyn waayeen isla markaana rogmadeen.

Sidoo kale shilkan ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad rakaab ah oo la socday gaadiidka iyo dad kale, sida ay booliisku sheegeen, waxaana la bilaabay baaritaan.

Bbcsomali