
CBS News ayaa, iyadoo soo xiganaysa mas’uuliyiin sare oo Maraykan ah, sheegtay in mas’uuliyiin Iranian ah ay si gaar ah ugu sheegeen la-taliyeyaasha Madaxweyne Donald Trump in weerarradii lagu qaaday maraakiibta ganacsiga ee Marinka Hormuz ay ahaayeen “khalad”, isla markaana ay fuliyeen xubno ka tirsan garabka mayalka adag ee Iran, kuwaas oo doonayay inay carqaladeeyaan wadaxaajoodyada.
Sida ay mas’uuliyiintu sheegeen, Iran waxay doonaysaa in wadaxaajoodyadu sii socdaan, balse Aqalka Cad wuxuu ka dalbanayaa Tehran inay si cad u qirato mas’uuliyadda weerarradaas, kuwaas oo maamulka Trump u arko inay jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Donald Trump uu faray kooxdiisa wadaxaajoodka, oo ay ka mid yihiin J.D. Vance, Jared Kushner, Steve Witkoff, iyo Marco Rubio, inay sii wadaan wadaxaajoodyada. Wareegga xiga ee wada-hadallada ayaa la qorsheeyay inuu maanta uu ka dhaco Urdun.
Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in haddii Iran ay sii waddo tallaabooyinka ay Washington u aragto kuwo colaad ah, Maraykanku uu uga jawaabi doono tallaabooyin milatari iyo kuwo dhaqaale.





