Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa la hadlay dhiggiisa Iran Cabbaas Aragchi.
Qoraal laga soo turjumay warbaahinta dawladda Shiinaha, Aragchi ayaa lagu soo warramayaa inuu u sheegay Yi: “Iran waxa ka go’an xabbad-joojin dhammaystiran, ma aha oo keliya mid ku meel gaar ah”.
Waxa uu sidoo kale sharraxay in “Hormuz ay u furan tahay dadka oo dhan, maraakiibtuna ay si nabad ah u mari karaan, laakiin waddamada hadda dagaalku ka socdo aan laga fiirsan”.
Warbaahinta dowladda oo akhrineysa wada hadalka ayaa yiri Yi waxa uu ku nuuxnuuxsaday: “Hadalku mar walba waa ka fiican yahay dagaalka” wuxuuna ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay “ka faa’iideystaan fursad kasta iyo daaqadda fursadda nabadda oo ay bilaabaan geeddi-socodka nabadda sida ugu dhaqsaha badan”.





