Itoobiya oo sheegatay inay ka Dhabaynayso Heshiiskii ay ls Gashay Somaliland

Hargeysa(Qaran)“Itoobiya waa ay ka go’an tahay ka dhabaynta heshiiska is-af-garad ee ay la saxeexatay Somaliland, cadhada Xamar na waa wax aan dhaafsiisnayn dib-u-dhac yar” Sidaas waxa yidhi Amb Cabdicasiis Axmed Aadan oo ah la taliyaha guud ee sirdoonka iyo amniga qaranka ee dalka Itoobiya, oo hadalkiisa soo xigtay wargeyska The Reporter.
Sarkaalkan sare ayaa hadalkan ka sheegay shir lagaga hadlayay amniga gobolka Geeska Afrika oo uu soo qabanqaabiyay machadka arrimaha dibadda oo ka dhacay Hotel Skylight.

Cabdicasiis ayaa u sheegay The Reporter in dowladda Itoobiya ay weli ka go’an tahay heshiiska is-afgaradka ah ee ay la saxeexatay Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa uu ku dooday in helitaanka Itoobiya ee marinnada baddu ay sahli karaan kobaca wadajirka ah ee dalalka gobolka, iyo dadaka Soomaalida ah oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir. Cabdulcasiis waxa uu ku tilmaamay diidmada xanafta leh ee Muqdisho ee heshiiska dekedaha ay la gashay Somaliland in ay tahay “hal-xidhaale,” isaga oo soo jeediyay in ay tahay isku day lagu doonayo in lagu jeediyo caqabadaha siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto heshiiskaas oo qeyb ka ah sida ay uga go’an tahay is dhexgalka gobolka.

“Itoobiya waxa ay soo dhawaynaysaa dadka ka socda dhammaan dalalka deriska ah, waxaana ay taasi muhiim u tahay in loo midoobo kooxaha argagixisada loo aqoonsaday sida Al-Shabab, Daacish (ISIL/ISIS), iyo kuwa dadka tahriibiya. Haddii aan si wadajir ah u shaqeyno, waxa aan ku horumari karnaa oo aan ka gudbi karnaa caqabadaha, intii aan ka hortagi lahayn heshiis aan la joojin karin,” ayuu ayaa uu yidhi Amb Cabdicasiis.

Waxa uu ugu baaqay waddammada gobolka in ay mudnaan siiyaan iskaashiga iyo barwaaqada, waxa uuna xaqiijiyay sida ay Itoobiya ugu heellan tahay nabadda iyo iskaashiga waddammada deriska ah. Cabdulcaziiz waxa uu xusay kaalmaynta milatari ee Itoobiya ay ka geysatay dadaallada nabad ilaalinta ee dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.

Waxa uu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay halista ka dhalan karta ee ay ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya joogaa ka hor taaganyihiin gobolka oo dhan.

“Ciidankayagu waxa uu Soomaaliya siiyay naf-hurnimo la taaban karo, haddii ay ahaan lahayd xuduudaheeda iyo nabadda. Waxa naga go’an in aan horumarinno xidhiidh nabadeed oo aan la yeelanno deriska, waxa aanan diyaar u nahay in aan sameynno dedaallo dheeraad ah oo ku aaddan yoolkan. Waa lama huraan in iyaga iyo kuwa kaleba ay ogaadaan sida aan ugu heellan nahay arrimahan,” ayaa uu u sheegay Warfidiyeenka.

Heshiiskan Is-afgaradka ah, ee ay kala saxeexdeen January 1, 2024, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dalka ay Somaliland deriska yihiin ee Soomaaliya ku abuuray cadho iyo hubsiimo la’aan badan oo ay ku sheeganayaan Jamhuuriyadda qaddiyaddeeda la noqotay 1991 kii ee Somaliland, oo hore u ahayd dal madax bannaan oo la siman Soomaaliya wixii ka horreeyaya 1960 kii intii aanay iskeed u lumin madaxbannaanidaas.
Waxaana muuqata in hadda dunida iyo derisku ba ku soo noqonayaan xaqiiqada oo ay Somaliland marti gelinayso heshiisyo caalami ah oo dunidu toos u la gasho.