Trump ayaa dhowaan sheegay inuusan dooneyn in Soomaalida qaxootiga ah ay kusii noolaadaan dalkaas. Madaxweynaha ayaa sheegay inay Soomaalidu yihiin “khashin, ayna tahay inay ku laabtaan meesha ay ka yimaadeen.”

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu amray in qabqabasho iyo tarxiilid laga bilaabo magaalooyinka qaar ee dalkaas, gaar ahaanna gobolka Minnesota ee Soomaalidu ku badan tahay.

Hase yeeshee, waxaa halkaasi ku nool bulshooyin kale oo u ek Soomaalida, waxaana ka mid ah Itoobiyaanka oo khubarrada ay sheegayaan in laga yaabo in lagu khaldoomo.

Qareenno la hadlay BBC ayaa sheegay “Inay adag tahay in lakala sooco cidda ah Itoobiyaanka. Waxaa sidoo kale jira Soomaali-Itoobiyaan. Itoobiyaankana ay hannaankaasi dhibaato ku mudan doonaan”.

“Taas darteed ayay u diyaar garoobayaan”, ayay dheheen.

Khunarrada ayaa ugu baaqay dadka inay digtoonaadaan marka ay gawaarida wadaan, aysan daroogo isticmaalin intay gaariga wadaan, sidoo kalena aysan xawaaraha ka dheereyn, aysan ka hor imaan saraakiisha ammaanka iyo inaysan ka baxsan in la xiro marka la istaajiyo.