Jabhada Gacanlibaax oo Raali Gelin ka Bixiyay Baabuurkii ay ja Dhaceen Dhoqoshay

Hargeysa(Qaran news)-Jabhada Buurta Gacan Libaax ayaa raali galin ka bixisay gaadhi ay maanta ka soo qafaasheen magaalada Dhoqashey .

Taliye ku xigeenka Jabhadaas oo warbaahinta la hadley waxuu cadeeyey in gaadhigaas ay soo qafaasheen dhalinyaro cadheysan , wax jabhadu isku ogeyd-na aaney aheyn

“Shacabku ha is dejiyaan , hawshan way dhamaaneysaa odayaashii Garxajis oo sharaf naga mudan ayaa nala jooga , waana aanu ogol nahay odayaashayda.”

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ayaa cadeeyey in meel fiican ay marayaan wada hadalka u socda jabhada iyo madax dhaqameedka Garxajis .

“Ilaa laba cisho ayuu wada hadalkaasi noo socon doona meel fiicana wuu noo marayaa…” ayuu yidhi taliye ku xigeenka Jabhadaas Cawil Faarax Dalmar