Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo sheegay in Komishanku ay soo saari doonaan waxa uu Muuse Biixi Doonayo

London(Qaran)-Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir oo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay London ayaa dhaliilay komushanka doirashooyinka oo uu tilmaamay inay ku shaqeynayaan wuxuu madaxweyne Muuse Biixi doonayo.

Waxa kaloo uu sheegay in Komishanka aanu ka sugayn caddaalad balse ay soo saari doonaan waxa uu madaxweynuhu doonayo.

Caaqil Rashiid Jaambiir wuxuu ku booriyay qurbajooga taageera mucaaridka inay dhaqaale u huraan isbeddel doonka xisbiga WADDANI. Waxaanu ballan qaaday in iyaguna ay dalka ka dhalin doonaan isbeddel lagu reeyo oo nabadgelyo ku dhisan.

Caaqil Rashiid Jaambiir wuxuu beelaha Isaaq u sheegay inay khaladkiisa u sheegaan Madaxweyne Muuse Biixi.