Idris Elba & Xaaskiisa Sabrina Dhowre oo Soomaaliya ka soo jeeda ayaa taagero u raadinaya dalal Soomaaliya ku jirto

Idris Elba iyo Sabrina Dhowre 
Idris Elba iyo Sabrina Dhowre 

Jilaaga Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre ayaa Isniintii ugu baaqay ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha siyaasada inay taageero dheeri ah siiyaan waddamada ugu saboolsan adduunka qaab maalgashi ah halkii ay deeq gargaar ah kasiin lahaayeen.

Xafladdii furitaanka shirka sanadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka (WEF) ee Davos, ayaa Idris iyo Sabitina lagu abaal mariyay shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, cuntada iyo isbeddelka cimilada.

Sabrina Dhowre ayaa soo bandhigtay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jira Soomaaliya, Haiti, Sudan iyo waddamo kale, iyado si gaar ah diiradda u saaray dhibaatada heysata beeraleyda yar yar ee aan helin agabkii ay u baahnaayeen.

“Waxaan halkan u joognaa in aan iftiiminno dhibaatooyinka heysta dadka iyo dalalka aan wararkooda lasoo tebin” ayay tiri Sabrina.

Lamaanahan oo sidoo kale ah Danjirayaal Sharafeedka Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta Beeraha ee Qaramada Midoobay, ayaa ka codsaday ka qaybgalayaasha shir madaxeedka sannadlaha in si degdeg ah dhaqaale loogu taageero dadka ay saamaysay cunto yari iyo isbeddelka cimilada.

“Dadka saboolka ah ee adduunku kaliya ma raadinayaan gargaar iyo deeqo, waxay raadinayaan maalgashi,” ayuu yiri Idris Elba ayaa yiri.