Jubaland oo war ka soo saartay dagaalkii Beled Xaawo
War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Jubaland ayaa looga hadlay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ciidamada maamulka Jubaland iyo kuwa ka tirsan ciidamada dowladda Federalku dagaal ku dhexmaray kaas oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Qoraalka ka soo baxay Jubaland, ayaa lagu sheegay in dowladda federalka ciidamado ku daabushay gobolkaas ayna leedahay masuuliyadda wixii halkaa ka dhacay.
Waxay sidoo kale ku eedeysay dowladda inay aalad dagaal u adeegsanayo maamulka hawada ee Soomaaliya.
Jubaland ay sidoo kale sheegeen in dagaaladan ay wiiqayaan dagaalada ka dhanka ah al-shabaab.
Halkan hoose ka akhirso war-saxaafadeedka Jubaland.






