Hargeysa(Qaran news)-Kooxda huwanta ee SSC-Khaatumo ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweeyay go’aanadii beesha bariga Burco ay toddibaadkii hore soo saareen.

Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan;

“Golaha dhaqanka ee SSC-Khatumo iyaga oo aaminsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSC-Khatumo ay leeyihiin maamul u gaar ah oo si toos ah u hoos yimaadda dawladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay goโ€™aanka ay beesha Habarjeclo ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag.
Goluhu isaga oo aamminsan in dagaal sokeeye khasaare mooyee aan wax khayr ahi ka dhalanayn, wuxuu mar kale u caddaynayaa beesha Reer Shiikh Isxaaq, gaar ahaan beesha Habarjeclo ee aanu deriska nahay, in aanu wiilshayada iyo ciidankayagaba ceshanayno, dhinacoodana aan ka filayno in ay ceshadaan wiilashooda iyo ciidankoodaba.

Ugu dambayntii Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba midnimo iyo nabadgelyo waarta.