“KHASAARAHA DHAQAALE EE DAGAALKA LAASCAANOOD SABABAY.
Dagaalka mudada 20 ka cisho ah ka socday magaalada laascaanood waxa uu hoosu dhac dhaqaale oo weyn u gaystay dhamaan bulshada ree Somaaliland ee ku nool dhamaan gobolada kala duwan ee dalka, hadaynu qaar yar oo kooban ka taabano waxa istaagay dhamaan isu socodkii iyo ganacsigii u kala gooshi jiray Bariga iyo Galbeedka Somaaliland iyo wixii ka baxsanba tusaale ahaan waxa istaagay shirkadihii safarka ee u kala bixi jiray Bari iyo Galbeedka sida :-
1. Shirkada Bari iyo Galbeed.
2. Shirkada Bixin.
3. Shirkada Yaasmiin.
4. Iyo kuwa la midkaa
Waxa ay u kala qaadi jireen dad iyo alaabo oo si xawliya u socotay habeen iyo maalinba oo dhaqaale ay ka heli jireen shacab iyo xukuumadba, waxa xidhmay oo qaar kalana qarka u sii saaran yihiin inay xidhmaan dhamaan meheradihii ku yaalay jidka dheer ee u dhexeeya Hargaysa ilaa Laascaanood ee cuntada ama hurdada ama tukaanada adeega fudud laga iibsado ahaa ee shaqadooda iyo dhaqaalahooduba ku tiirsanaa dadkaa safarkaa ee gobolada dalka isaga kala gooshaya.
Dadka ay sidaan ama ay keenaan shirkadahaa socdaalku gobolada iyo kuwooda gaadiidka gaarka ay u leeyihiin adeegsanayaaba waxa ay gobolada dalka keeni jireen dad soo galiya dhaqaale kala duwan waxaana ka mida :-
 Kuwa caafimaadka u socda oo dhaqaale soo galin jirin cisbitaalada.
 Kuwa Ganacsiga u socda oo meherada iibiya alaabta kala duwan ee jimlada iyo tafaariiqdaba soo galin jiray dhaqaale xoog leh.
 Huteelada hurdada iyo cuntada oo ay dhaqaale soo galin jiray mudada ay joogaan dadkaasi magaalo kasta.
 Kuwa safarka u socda oo shirkadaha diyaaradaha iyo madaarka dawladaba dhaqaale soo galin jiray.
 I.W.M.
DHANKA DAWLADA HOOSU DHACA DHAQAALE EE KU DHACAY.
1. Waxa ay ku weyday cashuurtii ka soo gali jirtay kastamka Sool ( Laascaanood) oo soo xarayn jiray dhaqaale xoog leh.
2. Waxa xanibmay dhamaan koontiinaradii ka degi jiray magaalada Berbera ee laga lahaa Bariga oo qulquli jiray jidka laascaanood oo colaadani hakisay markii jidkii xidhmay oo cashuurtii dawladu ka heli jirtay iyo dhaqaalihii shacabku siyaabaha kala duwan uga heli jireenba meesha ka baxay.
Maadama aanan ahayn dadka dhaqaalaha ku xeesha dheer waxa aan halkaa kaga hadhayaa ama ku soo koobayaa inta yar ee ii muuqmuuqata uun, ujeedkayguna waa inaynu ku carino ama xasuusino dadka aqoontaa dhaqaalaha bartay inay wax ka qoraan
Fg: Khasaaraha maal iyo naf ba leh ee ka dhacay magaalada laascaanood kaasi ma khuseeyo qoraalkaygani waayo waxa uu u baahanyahay daraasad dhaba oo aqoon ku dhisan kaas anigu kama hadli karo hada.”
WQ. Garyaqaan Xuseen Shabeel
May be an image of 1 person, standing and suit