Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale si cad u muujiyey bisayl siyaasadeed, hoggaan diblumaasiyadeed iyo aragti qaran oo fog, kadib khudbaddii taariikhiga ahayd ee uu ka jeediyey fagaaraha caalamiga ah isaga oo barbar taagan dhiggiisa Israa’iil. khudbadda oo xambaarsanayd kalsooni qaran, aragti fog iyo fariin siyaasadeed oo miisaan leh, waxay markale muujisay doorka sii kordhaya ee Somaliland ku leedahay masraxa diblumaasiyadda caalamka.
Khudbadda Madaxweynaha Somaliland oo ahayd mid si xeel dheer loo dhisay, kana turjumaysay matalaad qaran, kalsooni siyaasadeed iyo diblumaasiyad ku salaysan wada-hadal, is-ixtiraam iyo iskaashi dan-wadaag ah. Khudbadda Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Cirro waxay si cad u muujisay dadaallada joogtada ah ee Somaliland ugu jirto xoojinta xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo kor u qaadista kaalinteeda gobolka iyo dunidaba. Sidoo kale waxay iftiimisay in Somaliland ay tahay dawlad masuul ah oo fahamsan muhiimadda iskaashiga ku dhisan dan-wadaagga.
Madaxweynuhu waxa uu si qoto dheer uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran iyo martigelinta heerka sare ah ee loo sameeyey wafdiga Somaliland ee uu hoggaaminayo, isaga oo tilmaamay in booqashadani tahay dhacdo taariikhi ah oo bog cusub u furaysa xidhiidhka labada dhinac. Waxa uu carrabka ku adkeeyey in booqashadani tahay tii ugu horraysay ee Madaxweyne ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland ku tago dal Israa’iil, taas oo safarkan siinaysa miisaan siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed oo gaar ah.
Khudbadda ayaa sidoo kale caalamka dib u xusuusisay safarka dheer ee Somaliland u soo martay dhismaha dawladnimadeeda, hirgelinta nidaamka hay’adaha dawliga ah, xasiloonida, adkaynta nabadda iyo kobcinta dimuqraadiyadda tan iyo markii ay dib-u-soo-ceshatay madaxbannaanideeda. Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland muddo 35 sano ah ay si joogto ah ula macaamilsay beesha caalamka oo ay wadaagaan xidhiidhka ku dhisan qiyamka dowladnimada, xasilloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah u muujiyey muhiimadda xidhiidhka sii kobcaya ee Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo tilmaamay in iskaashiga labada dhinac uu ku salaysan yahay ixtiraam, kalsooni iyo dan-wadaag. Waxa uu sheegay in xidhiidhkani u horseedi karo labada qaran fursado cusub oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si weyn u bogaadiyay shacabka iyo dawladda Israa’iil, isaga oo sheegay in uu matalayo qalbiyadda malaayiinta shacabka Somaliland oo mahadnaq iyo qaddarin weyn u haya shacabka iyo dowladda Israa’iil. Hadalkaasi wuxuu si cad u muujiyey mabda’a Somaliland iyo sida ay uga go’an tahay inay dunida kula dhaqanto saaxiibtinimo, iskaashi iyo xidhiidh ku dhisan is-faham iyo dan guud.
Gebogebadii, khudbadda Madaxweynaha Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxay ahayd mid muujisay kalsooni qaran, hoggaan bisil iyo diblumaasiyad firfircoon, taas oo sii xoojinaysa sawirka Somaliland ee ah dal nabdoon, dimuqraadi ah oo diyaar u ah inuu la yeesho dunida xidhiidho ku dhisan wada-shaqayn, horumar iyo is-ixtiraam.





