Komishanka AIDS-ka oo Kulan Baraarujin ah u Qsbtay Culimada Awdal

Boorame(Qaran news)-Komishinka Xakamaynta HIV Adis ee gobolka Awdal ayaa maanta kullanka baraarug u qabatay qaar ka mid ah culimada gobolka iyo macalimiinta Wax ka dhiga madaariista magaalada Boorama.

Isu’duwaha xakameynta HIV/AIDS ee gobolka Awdal, Nimco Deeq Cali, ayaa sheegtay sababta ay culimada u doorteen ay tahay in goobo kala duwan ay wax ku baraan carruurtan, sida Madaarista, Iskuulada iyo Masaajidada, si ay u baraarujin iyo waano u siiyaan.

Sidoo kale waxa ay xustay in markasta ay Culimada u qabtaan kulamo ay ku farayaan wacyigelinta xannuunka iyo sidii ay bulshada u baraarujinlahaayeen.

Macalinkii culimada siinayay casharada baraarujinta ah ayaa sheegay in xannuunka HIV/AIDS uu la mid yahay xannuunada kale, waxaanu tilmaamay in qofkasta bulshada meesha uu kaga jiro in wacyigelintii loo dhiibay uu sideeda ugaadhsiiyo, haddii ay Culimada tahay, hadday askarta tahay iyo haddii bulshada qaybaheeda kala duwan tahayba.

Dhanka kale waxa uu isdultaagay waxyaabaha ugu mudan ee lagu kala qaadi karo xannuunkan in ay ka mid yihiin, Dhiig qofkii lagu shubo oo aan laga baadhin, irbad uu isticmaalay oo aad isku mudo, macaamil aan diintu banayn oo labada qof sameeyaan ama tu bannaanba oo aan la isbaadhin, waxaanu intaas ku daray in waxa kaliya ee lagaga hortagi kara ay tahay in qofkii aqoon wanaagsan u leeyahay xannuunkani iyo sida uu ku faafo.