Koobkii Tartanka Murrashax Cirro oo ka Furmay Bali-dhiig


Hargeysa(Qaran news)-Koobka Ramadaanta ee uu maalgeliyey musharraxa madaxweynaha xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah uga furmay degmada facaweyn ee Balli-dhiig.

Tartanka Cirro-cup waxa ka qayb galaya degmooyinka waaweyn ee Qoryaale, Qorilugud, War-Cimraan, Nasiye iyo Dhoqoshay.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ee xisbiga WADDANI mudane Axmed Afyare oo ay weheliyaan guddoomiye kuxigeenka gobolka, xubno ka mid ah hoggaanka garabka dhallinyarada Heer Qaran iyo heer gobol, xoghaye xigeenka xidhiidhka gobollada, afhayeenka xisbiga ee gobolka Togdheer iyo masuuliyiin kale ayaa daahfuray tartanka.
Dhallinyarada degmooyinka ka qayb galaya tartanka ayaa musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uga mahadceliyay fulinta tartankan iyo sida uu dhallinyarada u dhiiri gelinayo.