Kooxaha hubeysan ee mucaaradka oo sheegay inay “qiyaastii 20 kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee Dimishiq”
Gaashaanle Dhexe Hassan Abdul Ghani oo ka tirsan waaxda hawlgallada milatari ee kooxaha mucaaradka ayaa maanta barta Telegram kaga dhawaaqay “Ciidamadu hadda waxay wax ka yar 20 Kiilomitir u jiraan albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”
Abdul Ghani ayaa ku yiri barta Telegram: “Ciidankeena ayaa gudaha u galay magaalada Al-Sanamayn oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Darca, waxaana ay ku dhawaaqeen in ay xoreeyeen. Taas oo macneheedu yahay, waxaan wax ka yar 20 kiilomitir u jirnaa albaabka koonfureed ee caasimadda Dimishiq.”
Waaxda Hawlgallada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday iyada oo la raacayo warka ay ku baahiyeen barta Telegram “xoreynta Gobolka Quneitra ee koonfur-galbeed ee Suuriya.”