Madaxweynaha maamul goboleedka Somalia ee Puntland Siciid Cabdilaahi Dani ayaa ka dayriyay amniga magaaladda Laascanood.

Waxana uu sheegay in kooxaha hubaysan ee ku sugan magaaladda Laascaanood ay khatar ku yihiin amniga dawladda Somaliland iyo Puntland.

Madaxweyne Dani ma aha markii ugu horaysay ee uu ka dayriyay kooxaha ku sugan magaaladda Laascanood isga oo sheegay in ay doonayaan in la burburiyo maamulka Puntland oo uu sheegay in lagu bilaabay dhibkii lagu hayay Somaliland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Dani ayaa kooxdani uu hada ka dayrinaayo gacansaar la lahaa oo soo caawin jiray xaga xukumadii hore ee Somaliland ee Muuse Biixi ay ku sheegi jirtay in ay xagaasi joogaan kooxo xag jir ah oo amniga gobolka khatar ku noqon kara.