Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan salaan iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulankan waxaa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.